
Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay inuu booqan doono caasimadaha Maamul Goboledyada dalka ka jira maalmaha soo socda, si loo dar dargeliyo howlaha Doorashooyinka.
Wareysi uu siiyay Tv-ga Universal, ayaa Madaxweynaha wuxuu ku sheegay ujeedada ugu weyn ee uu u tagaayo Maamul Goboledyada dalka ka jira inay tahay dar dargelinta arimaha Doorashooyinka.
“Magaalooyin kale oo Dowlad Goboledyada ka mid ah waxaan u tagi doonaa si aanu dib u dhac u imaanin oo laga hortago sabab kasta oo keeni karta dib u dhac ku yimaada howlaha Doorashooyinka Somaliya, maalmaha soo socda ayaan tagi doonaa.” Ayuu yiri Madaxweynaha.
Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in muddo ka badan sanad laga shaqeynaayay Doorashada, waxaana uu shegay Dowladiisa inay diiday muddo kororsiimo ka badan hal sano.
“Muddo sanad ka badan ayaa howlaha Doorashada laga shaqeynaayay, 2013 ayaa shir la qabtay oo ku saabsanaa siyaasada Somaliya, Waxaana shirkaasi ka soo baxay barnaamij loo bixiyay Hiigsiga 2016, intaa wixii ka dambeeyay waan ku shaqeyneynay in doorashada 2016 ay dhacdo, dib u dhaca hadda yimid mid farsamo waaye, waxaan diidnay kororsiimo labo sano ilaa hal sano”.