
Qaar ka mid ah musharixiinta u tartamaya doorashadda madaxtinimadda Soomaaliya ayaa walaac ka muujiyay dib-u-dhaca soo xulitaanka Xubnaha aqalka Sare iyo aqalka Hoose ee Barlamaanka Soomaaliya, ka dib markii ay maanta magaaladda Garoowe ay kula kulmeen Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Michael Keating.
Musharax C/raxmaan Maxamed faroole iyo Cali Xaaji Warsame oo Shir Jaraa’id ku qabtay Xarunta PDRC waxaa ay faahfahin ka bixiyeen waxyaabihii ay kala hadleen Wakiilka Qaramadda Midoobay,waxay sheegeen inay u gudbiyaan wakiilka walaaca iyo niyadjabka ay ka qabaan dib-u-dhaca doorashooyinka Soomaaliya, Taasi oo ay cabsi ka qabaan in dib loo soo celiyo shirarkii Madasha Qaranka si waqtiga loogu kordhiyo Madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha Soomaaliya.
Musharixiintu waxay sheegeen in amnigii caasimadda Muqdisho uu faraha ka baxay, oo shaqadii laga eryay in ka badan 1500 oo shaqaalaha hay’adii Nabad sugida Qaranka ee NISA, oo lagu bedelay dad aan la aqoon meesha ay ka yimaadeen, oo khatar galin kara amniga musharixiinta ayay yiraahdeen.
Musharixiintu waxay tilmaameen in aamisan yihiin in Beesha caalamku ay qayb katahay dhibaatadda iyo dib-u-dhaca doorashadda oo markasta oo jadwalka doorashadda la bedelo beeshu caalamku waa taageeraa, Taasi oo ay sheegeen inaysan bulshadda Soomaaliyeed aysan Maslaxad ugu Jirin.
Waxay kaloo kala hadleen lacagaha lagu soo rogay Musharixiinta xildhibaanadda aqalka Hoose, taasi oo ay sheegeen inay caqad ku tahay dadka doonaya inay ka mid noqdaan Gollaha barlamaanka oo aan haysan lacag, Waxayna tilmaameen in arrintaasi ay fududaynayso musuqmaasuq lagu sameeyo doorashadda Soomaaliya
Musharixiinta waxay kaloo sheegeen inay u gudbiyeen Wakiilka walaaca ay ka qabaan dhismaha Maamulka labada Gobo lee Hiiraan iyo Shabeeladda dhexe oo ay sheegeen inaysan cadayn meesha loo jihaynayo, islamarkaana uu ka jiro buuq baddan.
Wakiilka Qarmadda Midoobay Ee Soomaaliya Michael Keating oo maanta soo gaaray caasimadda Puntland ee Garoowe oo sidoo kale la kulmay madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed cali Gaas,Qaar ka mid ah Odoyaasha Dhaqanka iyo Haweenka u tartamaya Aqalka hoose iyo midka Sare ee Barlamaanka, ayaan isagu dhiniciisa ka hadlin kulanka uu la yeeshay musharixiinta Cali Xaaji iyo Faroole,
Imaanshaha Wakiilka ee Garoowe ayaa ku soo aadaysa iyadoo markii labaad dib loo dhigay ku dhawaaqiga xildhibaanadda Aqalka Sare ee Barlamaanka Soomaaliya, Taasi oo shaki ku abuurtay dad badan in ay suurtagal tahay in doorashadu waqtigeeda ku dhici karto iyo in waqti kale oo dheeraad lagu dari doono.