
Dowladda Kenya ayaa shaaca ka qaaday in ay baadi goobeyso Dagaal yahano ka tirsan Xarakada Al Shabaab oo Weerar xoogan ka geystay Magaalada Mandeera ee Gobolka Waqooyi Bari ee Dalka Kenya.
Afhayeenka Madaxtooyada Dalka Kenya, Eric Kiraithe ayaa waxuu sheegay in boqolaal ka mid ah Xoogaga Kenya ay daabuleen Xadka kala qeybiya Dalalka Soomaaliya iyo Kenya.
Ciidamada la soo dhoobay Xadka ayaa waxuu ku sheegay Afhayeenka in ay soo qaban doonaan Xubno ka tirsan Al Shabaab oo habeen ka hor weeerar lagu Dilay 6 Ruux ka fuliyay Magaalada Mandeera.
Waxuu tilmaamay in Dagaal yahanada Al Shabaab ee weerarkaasi geystay in ay dib ugu soo laabteen qeybo ka mid ah Soomaaliya balse ay soo qaban doonaan sida uu hadalka u dhigayu.
Inta badan Dalka Kenya qeybo ka mid ah ayaa waxaa ka dhaca Weeraro geysta khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo mas’uuliyadoodu ay sheegtaan Xarakada Al Shabaab.