
Safiirka dowlada Maraykanka ee dalka Soomaaliya Stephen Schwartz ayaa mid mid ugula kulmaya madaxda Soomaalida garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.Madaxda Soomaalida ayaa ugu tegeya garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho safiirka Maraykanka iyadoo mas’uulkii ugu horeeyay ee tegey garoonka diyaaradaha uu ahaa ra’iisal wasaare Cumar Cabdrashid Cali Sharma’arke.
Waxana ay ka wadahadleen arrimaha doorashada ka dhacaysa dalka Soomaaliya. sidoo kale waxaa uu la kulmay safiirka guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari iyo madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug Cabdkariin Guuleed.
Sidoo kale safiirka Maraykanka ayaa la kulmay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo hadda ah musharax Madaxweyne waxayna ka wadahadleen arrimaha doorashooyinka dalka.
Guuleed iyo Schwartz ayaa loo malaynayaa inay ka wadahadleen weerarkii ay ciidamada Maraykanka ku qaadeen deegaanka Jeexdin ee duleedka magaalada Gaalkacyo ayna ku dhinteen 13 askari oo ka tirsan ciidamada Galmudug.
Waxaa la filayaa in sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh uu ugu tago safiirka Maraykanka garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.