US: FBI-da iyo shirkadda Apple oo isku haysta furidda taleefanka wiil soomaali oo weerar mindi geystay

Hay`adda FBI-da Mareykanka ayaa shirkadda Apple waxa ay ka codsatay furidda taleefanka gacanta ee wiilkii weerarka ka geystay bishii hore suuqa Minnesota shopping mall ee magaalada Minnesota.


Wiilkan oo lagu magacaabo Daahir Aadan ayaa weerarka ku dhaawacay 10 ruux ka hor inta uusan toogan oo uu dilin nin boolis ah oo maalinkaa shaqada fasax ka ahaa, waxaa ay markaasi boolisku jeebkiisa ka heleen taleefan nooca iphone-ka loo yaqaan.

“- Taleefanka Daahir waa uu xiran yahay, si aan u sii wadano baaritaanadeena, waxaan u baahanahay caawimaad dhanka shirkadda Apple ah”, ayuu yiri afhayeen u hadlay FBI-da oo lagu magacaabo Agent Rich Thornton.

Saraakiisha FBI-da ayaa sheegay in ay muhiim u tahay furidda taleefankan si ay u qiimeeyaan wxa ku kallifay wiilkan weerarka iyo in uu xiriir la lahaa kooxaha argagixisada, sida Daacish.

Horraantii sanadka 2014 ayaa waxaa ay shirkadda Apple soo saartay taleefanno lagu xiranayo number-sireed ay iyadu laftigeedu ku dhib qabto sida loo furayo, waxaana ay horay u diiday codsi noocan ah oo FBI-da kala yimid kaas oo heer maxkamad gaaray, ugu dambeyntiina qole kale caawisay FBI-da.

Sanadkan horraantiisii ayay aheyd markii isla kiis noocan ah uu soo wajahay FBI-da kaas oo ay u baahdeen in loo furi taleefanka Rizwan Farook oo dhamaadkii sano hore isaga iyo xaaskiisa ay weerar lagu laayay dad badan ka geysteen magaalada San Bernadino ee gobolka California.