
CamuudnewsMagaalada Boorama Oo Saaka Ku Waabariisatay Rasaas iyo shacabka Oo Ka Cabanaaya Cashuurta Adag Ee Lagu Soo Rogay Jaadka Iyo Maayirka Boorama Oo Noqday Kii Ugu Maamulka Xumaa abid ee soo maray degmada borama
shacab gadoodsan oo ka biyo diiday cashuur qasab ah oo uu maamulka degmada borama ku so rogay ganacsatada qaadlayda ayaa saaka bux dhaafiyay kadib markii cashuur ta uu ku so rogay maayirka borama ay juwano la soo hoos istaageen gaadhiidka qaad ka keena waxaa isla arintaas ka dhiidhiyay ganacsatadii qaadka iyo dad shacab ah oo goobjoog ka ahaa
maayirka ayaa amar ku bixiyay in ciidan la dul dhigo gaadiidka qaadka waxaana halkaasi ka dhacay rasaas tiro badan iyo dhagax tiro badan oo ay is waydaarsadeen shacabka iyo shaqaalaha dawlada hoose , sacad kadib waxaa goobihii qaadka buux dhaafiyay ciidamada bilayska oo meelkasta la joogsaday qori iyo xabad nool oo rasaas ah ku ridayay shacabka oo iyagu dhag iyo jalaq u dhigayn rasaastaan ayaa difaacay ganacsatada qaadka oo halkii kaga xoog batay ciidamada boliska .