
Waxaa shalay magaalada St. Cloud gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka , ka dhacay banaan bax ay kasoo qeyb galeen bulshooyinka kala duwan ee kunool magaaladaasi ayna ku jiraan Jaaliyada Soomaaliyeed.
Banaan baxan oo mid dad badan kasoo qeyb galeen ayaa ahaa mid Bulshooyinka ay Soomaalida ku jirto ay ku muujinayeen midnimadooda iyo sida ay uga soo horjeedaan weerarada ay geestaan kooxaha loogu yeero argagaxisada.
Dadkii kala duwanaa ee ka hadlay banaan baxa ayaa sheegay in muhiim tahay in ay dadku midoobaan ayna meel uga soo wada jeestaan kooxaha dhibaatada ka abuuraya deeganaada ay joogaan..
Banaan baxa ayaa imaanaya xili dhawaan wiil Soomaaliyeed oo kunoolaa magaalada St. Cloud ee gobolka Minnesota uu toorreey ku weeraray dad ku sugnaa meel laga dukaameysto oo kutaala , halkaasna dhoor qof ku dhaawacay.