
Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa goordhaw soo saaray Liiska Xubnaha u tartamaya Doorashada Aqalka sare ee Soomaaliya, waxaana liiskan ka dhax muuqda haween badan oo u sharaxan kursigaasi.
Kursi walbo oo kamid ah Aqalka sare ayaa waxaa u tartamaya labo Musharax kuwaa ay kala dooran doonaan Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaana Liiskan ka dhax muuqda Haween kaliya in ay ku tartamayaan kuraasta qaar.