
Waxaa goor dhow qaboobay dagaal culus oo u dhexeeyay ciidamada maamulada Galmudug iyo Puntland kaasoo salaadii maqrib ka hor dib uga bilowday galbeedka magaalada Gaalkacyo oo maalmahanba xiisad colaadeed ay ka aloosneyd.
Wararka ayaa sheegaya in rasaas culus iyo qaraxyo waaweyn laga maqlay goobaha dagaalku ka socday oo labadii maalin ee u dambeysay ay isku hor fadhiyeen ciidamo kala tabaacsan labada maamul.
Goob joogayaal ayaa sheegay in dagaalkan oo aad u xooganaa uu socday ku dhowaad hal saac, isla markaana uu iskiis u joogsaday, inkastoo rasaas goos goos ah mararka qaarkood la maqlayo.
Dagaalkan ayaa daba socday dagaal kale oo labo cisho ka hor halkaas ku dhexmaray ciidamada labada maamul kaasoo salka ku haya dhul lagu muransan yahay oo Puntland ay ka dhiseysay maxjar loogu talo galay xoolaha laga keeno koonfurta Somalia.
Weli ma cadda khasaaraha dagaalkan ka dhashay hase ahaatee waxaa uu ku soo aadayaa xili maanta lagu waday in la kala qaado ciidamada labada dhinac ee halkaas isku hor fadhiyey ka dib xabad joojin ay shalay isla gaareen odayaal ka socday dhinacyada is haya.
Lamaa ogaa illaa hadda cida jebisay xabad joojintii la gaaray iyo sababta ay suurageli weysay ciidamadii maanta loo balansanaa in lakala qaado.
Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaan ka hadlin dagaalkan u dambeeyey hase ahaatee maamuladan ayaa markii uu bilaabanayey dagaalkan maalmo ka hor saxaafada isu mariyey ereyo kulul.