Al-Shabaab oo dad badan ku xir xiray deegaanka Ceel Cali

Al-Shabaab ayaa la sheegay in 50 ruux ku xir xireen deegaanka Ceel Cali ee Gobolka Hiiraan, halkaasoo shalay ay dib ula wareegeen, kaddib markii ay isaga baxeen ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in dadka ay xireen Al-Shabaab ay ku eedeeyeen inay la shaqeynayeen ciidamada Itoobiya, waxaana deegaanka jira dad ka cararay, markii ay isaga baxeen ciidamada huwanta.

Dad ku sugan magaalada Beledweyn ayaa sheegay in dad ay xireen Al-Shabaab ay ku jiraan Ganacsato iyo Nabadoono.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya inay jiraan tiro dad ah oo Al-Shabaab ku dileen deegaanka, kaddib markii ay isaga baxeen ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda.

Xaalada deegaanka Ceel cali ayaa ah mid degan, waxaana Al-Shabaab ay saldhig ka sameysteen goobihii fariisamaha u ahaa ciidamada ka baxay magaalada.

Al-Shabaab ayaa dhowaan lagu eedeeyay inay dad badan ku dileen deegaanadii u dambeeyay ee ay ka baxeen Ciidamada Itoobiya iyo ciidamada dowladda.