Mareykanka oo war kasoo saaray duqeyntii Galmudug iyo garabyada isku haya Gaalkacyo oo uu baaq u diray

War ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee Nairobi, waxaa lagu sheegay “in dowladda Mareykanku ay si dhow ula shaqeyneyso dowladda federalka ee Soomaaliya, Maamulada Galmudug iyo Puntland si looga hadlo walaacii la xiriiray dhacdadii 28 September ee weerarkii isdifaacidda ahaa ee Mareykanku ka geysteen Galkacyo”.


War saxaafadeedka waxaa lagu sheegay in Mareykanku ay ka war hayaan wararka dhimashada iyo dhaawaca Galkacyo iyagoo eedeymahaasi si xooggan u qaatay.

Wasaaradda difaaca waxay bilowday inay qiimeyso cadeymaha rasmiga ah. Safiirka Mareykanka ee Somaliya oo kulamo kula yeeshay, bishan October 6,7, iyo 8 Muqdisho, odoyaasha qabiilka, hoggaanka sare ee bulshada iyo siyaasadda Koonfurta Galkacyo, iyo madaxweynaha Galmudug ee Guled.

Waxaa sidoo kale wada hadal uu la yeeshay Madaxweynaha Puntland Gaas iyo ciidanka qaranka Soomaaliya.