
Ciidamada Turkiga ee gacanta siinaya Kurdida iyo Sunnida ku nool gobalka Mosul ayaa doonaya inay ka qeyb qaataan duulaanka la doonayo in kooxda Daacish looga saaro magaalada Mosul.
Xukuumada Baqdaad ayaa si weyn uga walaacsan ciidamada Turkiga joogitaankooda Ciraaq isla markaana marar badan ka codsatay xukuumada Ankara in ciidamadeeda kala baxdo dalka.
Baarlamaanka Turkiga ayaa markale ansixiyey joogitaanka ciidamada Turkiga ee hada ku sugan dalalka ay jaarka la yihiin ee Siiriya iyo Ciraaq.
Dowlada Ciraaq ayaa go’aankan u tilmaamtay mid khal khal gelin doona amniga gobalka.
Erdogan ayaa dhankiisa sheegay in Raysalwasaaraha Ciraaq uusan amar siin Karin Turkiga iyo Ciidamadiisa, wuxuuna ku tilmaamay hogaamiye aan dhigiisa ahayn, wuxuuna sheegay in ciidamada Turkiga ay hawshooda sii wadan doonaan.