
Ururka Al Shabaab ayaa fagaare ku yaalo Magaalada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe waxa ay ku toogteen labo ruux oo ay ku eedeeyeen inay ahaayeen Jaajuusiin la shaqeeya reer Galbeedka.
Labada nin ee la toogtay ayaa mid ka mid ah wuxuu yahay Somali ,waxa ay ku eedeeyeen Shabaab ninkaasi inuu la shaqeynaayay Hay’adda Sirdoonka dalka Ingiriiska MI6.
Ruuxa kale oo u dhashay dalka Kenya, balse ka tirsanaa Shabaab ayaa waxa ay ku eedeeyeen in Dowladda Kenya uu u gudbin jiray Taleefoonada Saraakiisha Shabaab.
Qaadiga Maxkamada Shabaab ee Degmada Jilib ayaa ku dhawaaqay raggaasi xukunkooda inuu yahay dil toogasho, iyadoo durba rasaas lala dhacay.
Al Shabaab ayaa Magaalooyinka ay maamulaan ku dila dad ay ku sheegaan inay yihiin Jaajuusiin la shaqeeya Hay’adaha Sirdoonka reer Galbeedka.