
Xarunta Taliska Ciidanka Asluubta ee magaalada Muqdisho ayaa lagu qabtay munaasabad loogu hamlablyeenayay laguna soo dhaweenayay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Goobe) oo noqday Sargaalka ugu sareeya ciidanka Soomaaliyeed.
Munaasabada waxaa kasoo qeyb galay saraakiil katirsan ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ,saraakiil kale oo katirsan ciidanka Dowlada iyo qaar kamid ah Maxaabiista ku xiran xabsiga dhaxe ee magaalada Muqdisho.
Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) ayaa sheegay in Ciidanka Asluubta Guul ay u tahay in Taliyahoodu uu qaato Darajada ugu sarreysa Ciidammada Qaranka, isagoo xusay in Ciidanka Asluubta ay hiigsanayaan Horumarro kala duwan Qorshaha Taliskuna uu yahay in sare loo qaado Tayada iyo Wax soosaarka Ciidanka .
Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa kahor inta aan la dalacsiin ahaa sareeye gaas ama Generaal, waxaana hada loo dalacsiiyay uuna noqday Sareeye Guud ,isagoona noqonaya sargaalka ugu darajada sareeya Saraakiisha Soomaaliyeed ee nool.