Beesha caalamka oo digniin kulul u jeedisay maamulada Puntland & Galmudug

Wakiilada Beesha caalamka ee arrimaha Soomaaliya ayaa war ay soo saareen ku dalbaday in deg deg loo joojiyo colaadda magaalada Gaalkacyo.

Qoraal ay soo saareen Beesha Caalamka ayaa lagu sheegay in ay si weyn uga walaacsan yihiin dagaalka kasoo cusboonaaday ciidamada Galmudug iyo Puntland ee Gaalkacyo ee keenay dhimashada iyo dhaawaca badan, ayna ku barakaceen boqolaal shacab ah.

Labada maamul ayaa waxaa loogu baaqay iney fuliyaan heshiiskii Gaalkacyo ee labada dhinac horey u kala saxiixeen.

Beesha caalamka waxay xusuusisay madaxweynayaasha C/weli Gaas iyo C/kariin Guuleed inay 2-dii December 2015 saxiixeen heshiis ay ku balanqaadeen inay ka dhowrsan doonaan tallaabo kasta oo colaad kicin karta ka dib dagaalkii sanadkii hore Gaalkacyo ka dhacay.

Heshiiska Gaalkacyo waxay labada dhinac isku waafaqeen xabad joojinta, in la sameeyo Guddi labada dhinac ka tirsan si arrinta loogu xaliyo nabadgelyo, ciidamadooda iney kala baxaan goobaha lagu dagaalamayo, dadka barakacayna dib u soo noqdaan.

Xubnaha Beesha Caalamka ayaa qoraalkooda ku sheegay in tallaabo deg deg ah loo baahan yahay si xiisadda loo yareeyo, lana dardar geliyo heshiis la gaaro iyadoo la soo nooleynayo heshiiskii 2-da Decembar.

Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, IGAD iyo dowladda Soomaaliya waxay sameeyeen Guddi Farsamo oo dhinacyada ay quseyso kala shaqeeya sidii xabad joojin degdeg looga gaari lahaa Gaalkacyo.

“Hogaamiyeyaasha Puntland iyo Galmudug waa inay adeegsadaan saameynta ay leeyihiin, waxaana ugu baaqeynaa iney degdeg u joojiyaan dagaalka” ayuu yiri wakiilka Q/Midoobay ee Soomaaliya Micheal Keating oo labada maamul goboleed ugu baaqay iney ciidamadooda kala baxaan Gaalkacyo.