
Kooxda Xagjirka ah ee Boko Xaram ayaa siidaayey 21 gabdhood oo kamid ah in ka badan 200 gabdhood oo ay qafaasheen sanadkii 2014, waxayna ku bedasheen 4 hogaamiye oo ku jiray gacanta dowlada Nigeria
Waan waanta lagu soo daayey gabdhahan ayaa la sheegay inay qeyb ka ahaayeen hay’ada Bisha Cas iyo Dowlada Switserland oo dhex dhexaadinayey kooxda Boko Xaram iyo Xukuumada Nigeria.
Balse dowlada Nigeria ayaa beenineysa inay siideysay 4 kamid ah hogaamiyayaasha Boko Xaram oo xabsiga lagu hayey kuwaasi oo ay ku bedasheen gabdhahaasi afduubka lagu heystay.
Qaar kamid ah gabdhaha lasii daayey ayaa watay caruur ay dhaleen intii ay ku jireen gacanta kooxdaasi Boko Xaram oo hada sheegta inay ka tirsan tahay Shabakada Daacish (ISIS).