
Waxaa Magaalada cadaado lagu gabagabeeyay doorashada xubnaha u metelaya maamulkaasi Aqalka sare ee Baarlamanka Soomaaliya.
Saddexdii mudane ee ka harsanayd Siddeed xubnood oo ay Galmudug ka heshay saamiga Kuraasta Aqalka sare ee Baarlamanka Soomaaliya, ayaa Maanta lasoo gabagabeeyay doorashadooda, kuwaas oo kala ah Jawaahir Axmed Cilmi, C/waaxid Cilmi Goonjeex iyo Abuukar Axmed Xaashi.
Maalintii Shalay ahayd ayaa waxaa la doortay Shna xubnood oo kala ahaa, Abshir Maxamed Axmed (Abshir Bukhaari) Jen: Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhegdheer),Yuusuf Geelle Ugaas iyo Zamzam Dahir Maxamuud.