Al-Shabaab oo sheegtay in ay gacanta ku dhigeen diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaan Drone , isla markaana ay ku xirnaa kaamirooyin.

Sidoo kale ururka Shabaab ayaa sheegay in diyaaradaasi ay ahayd mid Mareykan u adeegsanayey sahminta iyo basaasidda, iyadoo laga soo qaaday meel magaalada Kismaayo 45KM kaga beegan dhinaca galbeed.

Sidan oo kale horey xarakada Al-Shabaab ayaa gacanta ku dhigay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn xili ay ku soo dhaceen meeel u dhow deegaanada ay ka arrimiyaan.

Dowladda Mareykanka ayaa duqeymo farabadan ka geysatay gudaha Soomaaliya oo loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, waxaana inta badan duqeymahaasi lala begsaday horjoogayaal muhiim ah oo ka tirsan Al-Shabaab