
In 18 hogaamiye oo Afrikaan ah ay isugu yimaadaan shir ka dhacaya qaaradda ayaa ah arrin weyn, kulankii ay madaxdaasi isugu yimaadeen shirmadaxeedkii Lome, ayaa muujinaya sida ay uga go’an tahay wax ka qabashada dembiyada ka dhaca badaha qaaradda.
Boqolkiiba 90 waxyaabaha ay soo dhoofsato ama dhoofiso Afrika ayaa waxa ay maraan badda, dhibaatooyinka ka dhaca badahana waxa ay caqabad dhaqaale ku noqan karaan waddamada qaaradda.
Burcad badeeda ayaa caalamka ugu kacday ballaayiin dollar, maadaama ay burcadaasi hubeysan bartilmaameedsato maraakiibta xamuulka ah, isla markaana ay afduub kula kacaan shaqaalaha saaran.
Gacanka Guinea ayaa hadda ka mid ah biyaha ugu khatarta badan caalamka.
Dowladaha Galbeedka Afrika ayaa la daalaa dhacaya sidii ay wax uga qaban lahaayeen burcad badeeda fahansan dul-duleelada ka jira badahaasi.
Heshiiska baddaha ee Lomé ayaa waxaa qeyb ka ah in waddamada Afrika ay wadaagaan macluumaadka si ay uga hortagaan una maxkamadeeyaan burcad badeedda.
Waxaa sidoo kale ka mid ah in dalalka ay dhaqaalo ugu deeqaan sanduuq gaar u ah ammaanka badaha.
Madaxda qaaradda ayaa rajeynaya in heshiiskan uu noqon doono mid dhaxalgal ah.