
Waa qormadii taxanahay ahayd ee aan ku eegaynay heerka musuqmaasuqa badheedhka ah ee Qoyska Madaxtiooyada iyo u adeegahooda -Samsam Cabdi Adan
Musuqmaasuqa Wasiirada Maaliyada, Wiilka uu sodoga u u yahay iyo warwada madaxweyne Siilaanyo oo heer Caalami ah laga daereemay iyo baadhiitaano ku soo foodlleh
Maqaalkani waa mid xaqiiqa ah, oo aanu diiradu kusaarayno musuq maamusuga dul hoganaaya Wasaarada Maaliyada JSL. Hadaba maqaalkii qaybihii 5aad ee aad lasocoteen todabaadkii hore, ayay qaybtanina laxidhiidhaa. Waa maqaal kusalaysan waayaha iyo wacdiga kugadaaman musaqa xoogan ee aan lahayn lagabashada ee lagu lunsanayo hantida qaranka JSL oo iskugu jira ibka dhul, guroyo iyo hanti maguuraan ah oo iib lacageed lagu doorsaday.
Qormadan oo aan si gaar ah diirada u saarayn Wasiirda Samsam Cabdi Aadan, balse ah qofka iyadu fududaysa, qaybna ka ah boobka lacageed iyo hanti ee qaranka saboolka ah wixii yaraa ee uu
haystay lagi shubanayo jeebado gooni ah, ayaanay marnaba ka maqnaan karin soo hadal qaadkeedu.
Hase ahaatee heerka musuq maasuuqa aan laga xishoon, lalana gaban ee dadka Somaliland sida cad ceeda u muuqda ayaa haatan soo jiitay hay’ado caalami ah oo igau daneeyaa la socodka wadamada ay madaxdoodu boobaan hantida lagu aaminay. Markii ugu horeysana taariikhada Somaliland, waxa durba bilowday in la daba galo xubno ay ka miod yihiin wasiirada Maaliyada Samsam Cabdi Aadan, Wiilka uu sodoga u yahay madaxweyne Siilaanyo ee Baashe Cumar iyo marwada madaxweynaha Aamina Waris oo galay liiska masuuliyiinta musuqmaasuqa ugu weyn ee ay awooda ay dawlada ku lee yihiin awgeed ay ku kacayaan ayaa haatan laga dareemay bangiyada caalamiga ah ee ay ku xafidsadeen hanti lacageed oo aan waligeed masuul Somaliland ahi dalka dibada uga saarin.
Sida Hadhwanaagnews xaqiijiyeeen xubno reer Somaliland oo baadhitaanka lagu wado 4 qof oo 3 ay yihiin kuwo kor ku xusan, halka ka kalena yahay ninka ay walaalaha yihiin Samsam Cabdi Aadan, ee la yidhaa Maxamuud Cabdi Aadan, una magac dheer Xaaji oo isga iyo Baashe Cumar, Baashe ,Morgan ay qaabilsan yihiin farsamaynta lacago xad dhaaf ajh oo dalka dibada looga saaray, yaa la sheegay in haatan la og yahay magacyada bagiyada iyo inta ay leeg tahay lacagaha qaranka Somaliland sifo xaaraan ah oo musuqmaasuq ah looga saaray lagu shubay.
Baadhitaankan ayaan warbixin dheer idiinka haynaa, kaas oo ay soo galeen wasiiro uu ka mid yahay Wasiirka Macdanta iyo Khayraadaka Somaliland oo buurta Siimoodi ee gobolka Awdal u noqotay geel u dhalay Doolar, isla markaana lacago xad-dhaaf ah loogu shubo bangi uu ku weecsado lacagaha shirkada Shiinaha ah ee macdanta ka qodota buuraha ay dadkii deegaanku ka gaajoonayaan ee haraadka biyo la’aanta ahi ku hayso.
Lasoco warbixntana Hadhwanaagnews loogu balan qaaday in la soo gaadhsiiyo nuqulada ama koobiyada xisaab bangiyeedada ay lee yihiin iyo lacagaha ay ku shubteen iyo habkii ay dalka lacagta uga saareen ama ay ilaa haddda uga saaraan.
Waxa aanu halkan uga mahadnaqaynaa dhamaan dadka nala soo xidhiidhay ee Hadhwanaagnews oo gaadhsiiyey xogaha kala duwan ee qoyska madaxtooyada iyo wasiirada safka hore ee u adeega iyaguna ka adeegta jeebka qaranka Somaliland., waxase aanu ka xunahay in aanaan soo wada qori karin warbixinada iyo xogaha aad noo soo gudbiseen, hase ahaatee kala hubin aan wadno awgeed waxa laga yaabaa in aanaan soo qaadan qaar kood.
Afeef: Qormadan taxanaha ahi ma aha mid ku kooban dadka kor ku xusan, hase ahaatee waa mid sida daadka u socota, waxayna u soo gali kartaa masuul kasta oo laga helo xogo sheegaya in uu musuqmaasuq uu ku kacay ama ay kukacday awgeed. Hadhwaagnews waxay aad u hibinaysaa macluumaad kasta, waxa halkan lagu soo qoraana waa kuwo raadkooda Hadhwanaagnews hayso, hase ahaatee cida sida kalsoonida ah u soo gudbinaysa waa ay ka reeban tahay in qoraalkan iyo mid kale toona lagu magaca dhabo.
Sidoo kale halkan ka akhri qoraal afka English ah oo jaraa’id caalami ah i ka qoray musuqmaasuqa baahsan ee qoyska madaxtooyada iyo wasiirada u adeegta, kana adeegata jeebka qaranka Somaliland.