
Howlaha milatari ee Mosul looga qabsanayo kooxda (IS) ayaa la arki doonaa ilaa hal milyan oo qof inay ka qaxaan guryahooda. Hayada Qaramada Midoobay ee qaxootiga ayaa u sheegtay BBC sida ay isugu diyaarinayaandhibaatooyinka bini’aadanimo ee la filayo iyagoo dhisaya xerooyin dadka ay degaan.
Si ay isugu diyaariso, hayadda Qaramada Midoobay (UNHCR) iyo hayadaha ay la shaqeeyaan ayaa diyaarinaya qorshayaal wax laga bartay weeraradii hore sida weerarkii Falluja ayuu sheegay Bruno Geddo, wakiilka UNHCR ee Ciraaq.
Tusaale ahaan, Ciidamada Ciraaq ayaa dadka Mosul ku dhiiri galinaya inay joogaan guryahooda, haddii ay suurtogal tahay intay jidka mari lahaayeen halkaasoo ay u nugul yihiin in la soo weeraro.
“IS ayaa og jidadka magaalada looga baxo wayna dili doonaan dadkii isku daya inay ka baxaan” ayuu sheegay Mr Geddo.
“Waxaa jira jid yar oo ammaan ah in lagu safro. Hadii dad badan uu isku dayo inay isticmaalaan waxay noqonee cariiri, taasoo ah qatar ah. Wayna sahlan tahay in la weeraro.”
Mr Geddo ayaa rajaynaya in ciidamada Ciraaq ay ku guulaysan doonaan inay dadka guryahooda joogaan, laakiin qorshaha ayaa dhib ah sidii loo hirgalin lahaa. Sababtan darteed, UNHCR iyo hayadaha kale ee la shaqeeya ayaa isku diyaarinaya tii ugu xumayd.
“Haddii xaalada magaalada loo diyaariyo si fiican- wax walba ciidanka Ciraaq ayaa maamuli doona- dadka ma loo ogolaan doono inay ka qaxaan Mosul” ayuu sheegay.
“Hadii dadka baxaya aan la maamulin waxaa jiri doono jahawareer iyo baahi badan.”


