War Deg Deg ah: Cali Cabdullaahi Cosoble oo ku guuleystay Doorashada Madaxweynaha Hirshabelle Isagoo Ka Haysta Taageero Madaxweyne Xasan

Waxaa si rasmi ah ugu Guuleystay Doorashada Madaxweynaha maamulka Hir Shabelle Cali Cabdullaahi Cosoble.

Mudane Cosoble ayaa helay Cod dhan 61 Cod oo  Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulkaasi Hirshabelle  ah.

Sidaas daraadeed ayaa guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Hirshabelle shaaciyay in Cali Cabdullaahi Cosoble yahay Madaxweynaha Rasmiga ah ee maamulkaasi.

Mr Cosoble ayaa la rumeysan yahay in uu taageero weyn ka heystay Madaxtooyada Soomaaliya.