Dowladda Itoobiya oo heshiis cusub kala dhex dhigtay Maamulada Puntland iyo Galmudug

War qoraal ah oo la soo dhigay Bogga Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa lagu sheegay in heshiis cusub la kala dhex dhigay maamulada Puntland iyo Galmudug, kuwaasoo maalmihii la soo dhaafay ku dagaalamayay magaalada Gaalkacyo.

Magaalada Gaalkacyo oo labo qeyb u kala qeybsan ayaa waxaa Waqooyi ka taliya maamulka Punland, halka Koofurta ay ka arrimiyaan Galmudug.

Dagaaladii maalmihii la soo dhaafay ka dhacay magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ku barakacay illaa 50-kun oo ruux, halka tiro dad ahna ku dhinteen

Heshiiskan ayaa waxaa uu dhigayaa in Puntland iyo Galmudug inay hirgeliyaan xabad joojin, kana fogaadaan ficilo kasta oo xasaasiyad abuuri kara, colaadna kicin kara.

Sidoo kale waxaa heshiiska qeyb ka ah in la joojiyo dhismaha Maxjarka Xoolaha ee Puntland ka hirgelineyso Gaalkacyo, in dib garoonka diyaaradaha ay maamusho Galmudug uu dib u bilaabo howshiisa, in la abuuro Guddi heer wasiir oo labada dhinac ah, kuwaasoo wada hadalada ka sii ambaqaadaya magaalada Muqdisho, iyadoo ay goob joog ka yihiin Hoggaamiyeyaasha qaran ee Madasha wada-tashiga Qaran.

Ma jirto illaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxay Maamulada Dowladda Federaalka, Maamulada Puntland iyo Galmudug oo ku saabsan heshiiska ay sheegtay dowladda Itoobiya inay kala dhex dhigtay labada maamul.

Bishii December ee sanadkii 2015 ayay aheyd markii dowladda Federaalka ay heshiis kala dhex dhigtay Maamulada Puntland iyo Galmudug, balse heshiiskaas ayaa sida muuqata waxba ka dhaqan gelin, marka la fiiriyo xiisadaha labada dhinac ka dhex taagnaa bilihii la soo dhaafay.

jawhar.com