Magaalada Garowe oo ka ay bilaabatay dhageysiga khudbadaha murashaxiinta u tartamaya aqalka sare

Waxaa saakay hoolka shirarka ee golaha wakiilada Puntland ka bilowday dhageysiga khudbadaha murashaxiinta xubnaha u tartamaya aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya


29 murashax ayaa u taagan xubnaha Puntland kasoo gelaya aqalka sare, iyadoo sideed ka mid ah ay haween yihiin. waxaana ka mid ah xubnaha tartanka ugu jira ka mid noqoshada aqalka sare, madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Faroole, Jen. Maxamed Saciid Xirsi “Moorgan” iyo xubno kale oo horay ugu soo mid noqday maamulka Puntland iyo dowladda federaalka.

garowe-musharaxiin-aqalsare-3

Dhageysiga khudbadaha ay murashaxiinta ugu hadlayaan taariikhdooda iyo waxqabadkooda ayaa waxaa goob joog ka ah guddiyada doorashooyinka dadban ee heer federaal iyo kuwa maamul goboleedka Puntland iyo qeybaha kale ee bulshada.

garowe-musharaxiin-aqalsare-1garowe-musharaxiin-aqalsare-2 garowe-musharaxiin-aqalsare-9garowe-musharaxiin-aqalsare-4 garowe-musharaxiin-aqalsare-5garowe-musharaxiin-aqalsare-6garowe-musharaxiin-aqalsare-7garowe-musharaxiin-aqalsare-11garowe-musharaxiin-aqalsare-8garowe-musharaxiin-aqalsare-10garowe-musharaxiin-aqalsare-10garowe-musharaxiin-aqalsare-12