
Ururka Al Shabaab ayaa Degmada Jilib, waxa ay ku soo bandhigeen Lix Askari oo ay sheegeen inay ka soo goosteen ciidamada Maamulka Jubbaland ee Magaalada Kismaayo.
Shabaab ayaa sheegay mid ka mid ah Askarta inuu soo dilay Sarkaal ka tirsan ciidamada Maamulka Jubbaland, kadibna uu ka soo baxsaday Kismaayo.
Qaar ka tirsan Askarta ayaa sheegay inay isku soo dhiibeen Ururka Al Shabaab, kadib markii sida ay sheegeen dhibaatooyin kala duwan ay arkeen in lagu haayo shacabka Magaalada Kismaayo.
Jubbaland ayaanan ka hadlin Askartaan Shabaabka ay ku soo bandhigeen Magaalada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe.