
Marwada Madaxweynaha Suuriya Asma Assad ayaa ku sheegtay wareysi ay Tv ga siisay in dadka cadawga ku ah seygeeda ay iyada usoo bandhigeen fursad in ay ka cararto Suuriya si ay isugu dayaan in ay kalsoonida dhexdeena ah halleeyeen laakiin aysan ka tagin dalka tan iyo markii dagaalka qarxay.
Laakiin iyadu waxay sheegay in dadka isku dayaya in ay cararto , aysan aheen Suuriyaan dalabkooda uu ahaa “doqonimo.
“Waxaan halkan joogay tan iyo bilowgii marna ku fakarin in meel kale aado,” ayay hooyada 41-sano jir ah oo saddex caruura u dhashay madaxweynaha ku sheegtay Tv ga Rossiya 24 oo wareysigeeda baahiyey talaadadi ”
Asma ayaa intaa raacisay in la siiyay fursad ay uga tagaan Suuriya dalabkaas waxa ka mid ahaa ayay tiri damaanado ammaanka iyo ilaalinta carruurta iyo xitaa ammaanka dhaqaalaha.
Balse kuma qaadaneso qof aqli qaba inuu ogaado waxa dadkan runtii ulajeedadoodu tahay waxay ahayd isku day lagu jaha burburin rabo kalsoonida dadka ay madaxweynahooda ku qabaan. ”