
Baarlamanka Maamulka Koonfur-galbeed Somalia ayaa doortay siddeedii xubnood ee Aqalka Sare, inkastoo qaar ka mid ah musharraxiinta oo ahaa 16 ay u tanaasuleen xubnihii kuraasta kula tartamayay taasoo fududeysay inay muddo kooban socotay doorashada.
Haddaba; Xubnaha maamulka Koonfur-galbeed ku metelaya Aqalka Sare ee Baarlamaanka Fedeaalka Soomaaliya ayaa waxay kala yihiin;
- Cabdikaafi Macalin Xasan, Wuxuu ka guuleystay, Cali C/llaahi Isaaq
- 2. Zamzam Ibraahim Cali, Waxaa u tanaasushay; Aniso Aadan Didow
- 3. Timiro Maxamed Cali, waxay ka guuleysatay; Nuurto Nuur Jille
- 4. Xuseen Sh. Maxamuud, Waxaa u tanaasulay; Xuseen C/raxmaan Ibrahim
- 5. Aadan Cabdi Aadan, Waxaa u Tanaasushay; Muumino Saciid Mursal
- 6. Ilyaas Cali Xasan, wuxuu ka guuleystay; Ibaahim Cali Axmed
- 7. Xuseen Cali Xaaji Cabdalla, Waxaa u tanaasulay Cabdullaahi Cabdi
- 8. Cabdulaahi Cabdi Gurruun, Waxaa u tanaasulay; Axmed Maadeey Isaaq
Ugu dambeyn, Maamul-goboleedka Koonfur-galbeed ayaa noqoday maamulkii saddexaad oo xubnaha Aqalka Sare ku meteli doona soo gudbiyay, iyadoo ay dhiman tahay Puntland oo ay doorashadu haatan ka socoto.