
Qoyska Kenyanka ee Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ee ku nool tuulada Nyangoma Kogelo, deegaanka Siaya , ayaa dayriyeen islamarkaana sheegay in ay xiriirka qaraabanimada u jarayaan Malik Obama siyaasaddiisa ku aadan doorashada Mareykanka.
Waxa ay wacad ku mareen in ay u ololeeyaan musharaxa doorashada guddoomiyaha deegaanka Siaya kula tartami doono isaga sanadka soo socda , iyagoo falalkiisa ku tilmaamay mid laga xumaado.
“Waxaan ka xunahay talaabada uu qaaday Malik,” ayuu yiri Mr Rajulu . “Mana u aqoonsanin isaga xubin ka mid ah qoyska.”
Mr Malik Obama ayaa u safray Mareykanka si uu uga qayb galo dooddii ugu danbeesay ee musharaxiinta Hillary Clinton iyo Mr Trump oo lagu marti qaaday.
Waxa uu marar badan dhaleeceeyay hoggaanka Madaxweyne Obama, isagoo ku eedeeyey in uu dayacay qoyska ka dib markii uu xafiiska la wareegay sideed sanno ka hor islamarkaana uu ku guul darreystay hogaanka iyo inuu wax ka badalo nolosha Maraykanka.