Ciidamada Amisom oo xalay madaafiic ku garaacay deegaanka Abanaana ee gobolka Sh/Hoose

Wararka ka imaanaya gobolka Shabellaha hoose ayaa sheegaya in ciidamada midowga Afrika ee Amisom tiro madaafiic ah ay ku garaaceen deegaano hoostagga Deegaanka Janaale oo ka tirsan Gobolka Shabellaha hoose.


Madaafiicda ayaa Ciidanka Amisom waxa ay ku garaaceen deegaanka abanaana oo hoostagga degmeda Janaale, waxaana la sheegayaa inay madaafiicdaasi ka dhasheen Khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, sida dadka deegaanka ay u xaqiijiyeen Warbaahinta dalka.
Madaafiicda ayaa la sheegayaa inay ku dhaceen guryo ay degan yihiin dad shacab ah, taasina ay keentay Khasaare hantiyadeed iyo mid nafeedba.
Labo ruux oo shacab ah ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen Madaafiicdaasi, sidoo kalena ay jiraan dhaawacyo rayidka ka soo gaaray duqeynta, balse lama hayo tirada dhabta ah ee dadka waxyeelada ay ka soo gaartay.
Madaafiicda Amisom ay ku duqeeyeen deegaanka abanaana, ayaa la sheegay inay ka soo tuureen Saldhiga Ciidanka Amisom ay ku leeyihiin deegaanka Buufow.
Xilliga Amisom Madaafiicda xalay ay ku garaacayeen deegaanka abanaana, ayaa la sheegay xubno Shabaab ka tirsan inay halkaasi dhaq-dhaqaaq ka wadeen, taasi oo keentay in ciidamada Amisom ay ridaan Madaafiic cabsi gelin iyo bartilmaameed isugu jirta.