
Waxa beryahanba magaalada Muqdisho ku sugnaa aqoonyahanka weyn ee reer Awdal Dr. Cabdilaahi Xaashi Abiib, maantana wuxuu xaflad balaadhan ku qabtay
huteel ka mida huteelada waayeyn ee magaalada Muqdisho ee loo yaqaano Diblamaasi.
Aqoonyahanku waxa uu halkaa ku shaaciyey hankiisa siyaasadeed ee uu ku rabo inuu ugu tartamo xubina ka noqno aqalka hoose ee baarlamka Soomaaliya.
Waxaa ka soo qaybgalay qaybaha kala gedisa ee bushada reer Awdal sida salaadiinta,cuqaasha, haweenka, dhalinyarada iyo siyaasiinta.
Dadkii halkaas yimid waxay u muujeen inay codkooda siin doonaan musharaxa.
Dr. Cabdilaahi waa aqoonyahan ka soo jeeda gobolka Awdal, kana mid ahaa aasaasayaashii jaamacada Camuud isagoo weliba si gara u aasaasay
jaamacda Eelo.
Gadaal Ayaan ka soo gudbin doonaa xafladii shaacinta oo muuqaala insha alaah.