Wararkii ugu dambeeyay Qaraxii Caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho

????????????????

Ugu yaraan labo Ruux ayaa ku dhintay, 4 kalena dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii Qarax loo adeegsaday Gaari laga soo soo buuxiyay waxyaabaha qarxa uu ku qarxay nawaaxiga Daljirka Daahsoon ee Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Maamulka Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir, Qaasim C/laahi Xasan oo warbaahinta la hadlay ayaa waxuu sheegay in Qaraxa ay ku dhinteen Dad shacab ahaa, isagoona tilmaamay in dhaawacyada loo qaaday isbitaal.

Guddoomiye Qaasim C/laahi Xasan ayaa sidoo kale waxuu qeexay in ninkii ka dambeeyay weerarkaasi meydkiisa uu yaallo halka uu Qaraxa ismiidaaminta ahaa ka dhacay.

Wararka ayaa sheegaya in 3 Ruux oo ka mid ahaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay ku dhinteen Qaraxaasi Caawa ka dhacay nawaaxiga Daljirka Daahsoon ee Magaalada Muqdisho.

Ilaa iyo hada majirto cid sheegatay mas’uuliyada Qaraxa ismiidaaminta ahaa balse Al Shabaab ayaa inta badan Weeraro u badan isqarxin waxey ka fuliyaan qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho.