
Wararka laga helaayo magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah ee maamulka Galmudug ayaa sheegayo in boqolaal ka tirsan ciidamada AMISOM ay maanta markale ka dageen garoonka diyaaradaha ee magaalada Cadaado, si ay uga qeyb qaataan sugida amniga goobaha lagu wado in ay ka dhacaan doorashooyinka Aqalka Hoose ee maamulkaas.
Taliyaha ciidamada AMISOM, Jeneraal Cismaan Subagle oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay ciidamada maanta gaaray magaalada Cadaado, waxa uuna sheegay in ciidamadaani ay qeyb libaax leh ka qaadan doonaan sugidda amniga iyo kala danbeynta si doorashooyinka ay u noqdaan kuwo udhaco qaab xalaal ah oo laguwada qanacsan yahay.
“Imaanshaha Cadaado ee AMISOM waxay ka mid tahay shaqadeenna nabad illaalinta, waxaan ilaalinaynaa habka doorashada ay u dhacayso, si loo helo doorasho xaq oo xalaal ah” ayuu yiri Taliyaha ciidamada AMISOM, Jeneraal Cismaan Subagle.
Taliyaha ayaa sidoo kale xusay in dhawaan magaalada Cadaado ay gaari doonaan ciidamo kale oo dheeri ah si loo dhameystiro tirada ciidan ee loogu talo galay sugidda amniga goobaha doorashooyinka.
Shalay galinkii danbe ayey aheyd markii ciidamo ka socdo AMISOM ay gaareen magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah ee maamulka Galmudug, si ay uga qeyb qaataan sugida amniga iyo kala danbeynta goobaha doorashooyinka maamulkaas.