
Ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhimatay duqeyn diyaarado ay ka geysteen deegaan ay mucaaradka Suuriya maamulaan.
Goobaha la duqeeyay waxaa ka mid ah dhisme iskuul, caruur ayaana la sheegayaa inay ka mid yihiin dadka dhintay.
Sawiro laga soo qaaday goobta waxay muujinayaan maydad yaalla xarun caafimaad oo horey looga guuray.
Telefishinka dowladda Suuriya oo dhacdada ka hadlay waxa uu sheegay in “xagjiriin lagu weeraray fariisimahooda”.
Deegaanka la weeraray oo lagu magacaabo Haas, oo ka mid ah gobolka Idlib, waa meel ay aad ugu xoog badan yihiin mucaaradka.