Dhulgariir ka dhacay Talyaaniga oo khasaare geystay

Labo dhul gariir oo is xigay ayaa ku dhuftay dalka Talyaaniga qeybo ka tirsan.

Bu’da dhul gariirkaa ayaa ah magaalada Macerata ee gobolka Marche ee bartamaha Talyaaniga. Ilaa dhowr boqol oo qof ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhinteen dhul gariirka.

Dhulgariiradaan ayaa dumiyay dhismeyaal badan oo ku yaalay magaaladaasi Macerata. Si kastaba ha ataatee, wali waxaa shaqaalaha gurmadku ku mashquulsan yahay hawlaha samatabixinta ayagoo walina hubinaya khasaaraha dhabta ee halkaa ka dhacay inta uu gaarsiisan yahay.

Labo bilood ka hor ayaa waxaa sidoo kale isla Talyaaniga ka dhacay dhul gariir ba’an oo khasaare xooggan geystay.