Kumannaan Shacabka Marooko ah oo Dhibadbaxyo ka dhigaya Magaalooyin Dalkaas ka Tirsan

Kumanaan qof oo Shacabka Marooko ah, ayaa dibad-baxyo ka dhigaya dhawr magaalo oo dalka ku yaalla, kaddib markii Gaari nooca xamuulka ahi uu jiidhay oo nin kalluunka iibiya oo doonayay in uu Kalluunka kala soo dego gaariga oo ay booliisku qabteen.

Muxsin Fikri wuxu ku dhintay magaalada Al-Xusayma eek u taal woqooyiga maalintii Jimcihii waxaanay geeridiisu dhalisay cadho baahsan oo dadku kaga hadlayeen baraha internet ka ee bulshadu ku xidhiidho.

Geeridiisa ayaa lagala mid dhigay geeridii ninkii khudrad laha ahaa ee reer Tuunisiya ee 2012 kii noqotay dhimbiishii hurisay kacdoonkii Carabka.

Boqor Maxamad ka Morooko ayaa amar ku siiyay saraakiisha dowladda inay qoyska uu Fikri ka geeriyooday booqdaan oo u soo tacsiyeeyaan. Wasiirada arimaha caddaaladda iyo arimaha gudaha ayaa iyaguna wacad ku maray in dhacdadaa la baadhi doono.

XIGASHO BBC