Jubbaland: Dhaqaale uma hayno dadka Dhadhaab ka soo laabanaya..

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Maamulka Jubbaland Maxamed Warsame Darwiish ayaa sheegay in nolol xumo ay heysato dadka qaxootiga ah ee ka imaanaya Dalka Kenya.

Waxa uu sheegay in aysan qaabili karin qaxooti kale oo   ka yimaada Dalka Kenya, isla markaana weli ay maareen la’yihiin dadka hada ku sugan deegaanada Jubbaland.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Maamulka Jubbaland inay soo dhaweynayaan qaxootiga Kenya ka imaanaya maadaama sida uu sheegay aysan dhaqaalo dib u dejin ugu sameeyaan aysan u heyn.

“War dadka si nolol loogu helo dadka wax haloo raadiyo oo dhaqaale hala soo siiyo, dadka wax uma hayno oo dad qaawan yaan nalagu soo daadin, Dowlad labo sano jirta oo weli dagaal kujirta oo Shabaab la dagaalamaysa, maxay awoodaanaa.”

Waxa uu Hay’adda ka shaqeeya arrimaha Qaxootiga ugu baaqay in ay taageero dhaqaale siiyaan qaxootiga Soomaalida ee ka soo laabanaya Dalka Kenya ee doonaya iney Soomaaliya yimaadaan.