
Sargaal sare oo kasoo shaqeeyay waaxda maaraynta maaliyadda ee dawladda Soomaaliya ayaa soo saaray warbixin qeexaysa sida in ka badan hal billion oo Dollar looga weecsaday Miisaaniyaddii Qaranka ee muddadii u dhexeysay sannadihii 2013-kii iyo 2015-kii, waa sida uu hadalka u dhigay.
Warbixinta oo cinwaankeedu yahay Breaking Point in Soomaaliya: ama “Jebinta Qoddobka ee gudaha Somalia” waxa uu C/risaaq Fartaag sheegay sida ay Dowladda ugu fashilantay maalgeliintaasi, wuxuuna xusay inay Dowladda heshay, isla markaana kharaj gareysay lacag badan oo ka timid Deeq-bixiyayaasha iyo Kharaj ka soo xerooday Canshuuraha gudaha.
“Warbixinta ayaa lagu muujiyey in qaar ka mid ah Miisaaniyadda Qaranka loo weeciyey Maalgashi Gaar ah, Hay’addo Islaami ah iyo Kooxaha Mukhaawamadda, taas oo sii hurisay fowdada dalka, “ayuu yiri Mr Fartaag.
Tusaale ahaan, kharashka dawladda ee saddexdii sano ayaa istaagay $ 169 million, halka Mr Fartaag uu ku tilmaamay $ 1.2 bilyan, taasoo ka dhigan in ka badan $ 1 bilyan in la la’yahay.
“Lacagaha laga helo Deeq-bixiyayaasha Reer Galbeedka iyo kuwa Carabta iyo Canshuuraha Gudaha waxaa si aan la caddeynin loo oggolaaday in loo xawilo Ururro Caalami iyo kuwa Maxali oo aan Dowli ahayn oo ay leeyihiin Siyaasiyiin”ayuu yiri Mr Fartaag.
Geesta kale afhayeenka xafiiska madaxweynaha Somalia, Daa’uud Aweys ayaa beeniyey eedeymahaasi, wuxuuna xusay inuu C/risaaq Fartaag yahay nin aad loo yaqaano oo soo jeediya Eedeymo been abuur ah iyo inuu xaallad kasta Siyaasadeeyo islamarkaana warkiisa aan la daneenin..
” Mr Fartaag – oo kasoo shaqeeyay xafiiska PM ee Dowladdii KMG ayaa qorayay warbixino joogto ah tan iyo 2012 – isagoo sheegay in xubno ka tirsan baarlamaanka, maleeshiyada maxalliga ah, jaamacadaha gaarka loo leeyahay iyo ururada Islaamiga ah oo la xidhiidha hoggaanka Soomaaliya ay sidoo kale yihiin ka-faa’iideystayaal ka mid ah lacagta la leexiyay.