
oghayaha guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki-moon ayaa xilkii ka qaadey Sarkaalkii u sareeyey ciidamada Nabad ilaalinta ee ka socda Qaramada Midoobey ee ku sugan Suudaanta Konfureed, kadib markii si weyn oo eedeeyey.
Warbixinta aya si toos ah u eedeyneysa Gen.Johnson Mogoa oo u dhashey dalka Kenya una sareeyey ciidanka Qaramada Midoobey.
War ka soo abxay Arrimaha Dibadda ee Kenya ayaa maanta oo Khamiis lagu sheegtey in ay ciidankeeda ku sugan Suudaanta Koonfureed kala baxayso iyada oo ka mudaaharaadeysa jeneraalka shaqada laga cayriyey.
Kenya waxaa Suudaanta Koonfureed ka jooga 1000 askeri uu ku socda hawlgalka Qaramada Midoobey ee UNMISS.