
Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Danjire Michael Keating ayaa soo dhoweeyay heshiiskii magaalada Abu dhabi ku gaareen Madaxweynayaasha Maamulada Puntland iyo Galmudug ee lagu xallinayay dagaalkii Gaalkacyo.
War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Danjire Keating ayaa lagu sheegay in heshiiskaas uu yahay mid aas aas u ah nabada Gaalkacyo, isla markaana la joojiyo colaada
Mr Keating ayaa ku ammaanay dowladda Imaaraadka Carabta dadaalka ay ka geysatay in heshiis cusub ay kala dhex dhigto labada dhinac.
Sidoo kale waxaa uu ugu baaqay Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug inay ka shaqeeyaan nabada , isla markaana ay qaadaan tallaab lagu xaqiijinayo meel marinta heshiiska
“Tani waa tallaabo dhanka wanaagga loo qaaday, Kubadda waxay hadda cagta ugu jirtaa Gaas iyo Guleed si ay meel mariyaan ballan qaadyadii aan la fulin, iyo inay u adeegaan shacabka Puntland iyo Galmudug”ayuu yiri Danjire Micheal Keating.
Bishii la soo dhaafay ayaa waxaa Gaalkacyo ka qarxay dagaalo u dhaxeeyay maamulada Puntland iyo Galmudug, waxaa dagaaladaas ku barakacay kumanaan qoysas.