
Golaha Barlamanka Dalka Burindi ayaa usoo jeediyay Dowladda Dalkaasi inay kala soo baxdo Waddanka Soomaaliya dhammaan Ciidamaddeeda qaybta ka ah howlgalka midowga Afrika ee Amisom.
Wasiirka Gaashaandhiga Burundi Emmanuel Ntahomvukiye. oo Shalay hor tagey Barlamaanka ayaa sheegay in muddo 10 Bilood ah aysan mushaahar qaadan Ciidamadooda Soomaaliya jooga, ka dib markii midowga Yurub ay diideen in Lacagaha ay soo mariyaan Dowladda Burundi.
“ Waxaan u malaynayaa in la joogo waqtigii ciidamadeena aan dib u soo celin lahayd” sidaas waxaa yiri Guddoomiyaha Barlamaanka Burundi ictor Burikukiye.
Midowga Yurub oo bixiya mushaharka Ciidamadda Amisom ayaa Burundi ka joojiyay Lacagihii iyo deeqdii tooska ahayd ay siin jireen , oo ay ku jirto Mushaharka iyo Gunnooyinka Ciidamada ka jooga Soomaaliya.
Ciidanka Burundi ee ka hawlgala Dalka Soomaaliya ayaa bishii Mushahar ahaan u qaata Sidddeed Boqol oo Doollarka Maraykanka ah ($ 800 US). waxayna hadda helaan oo keliya mushaharka Dowladooda ay siiso markii la yareeyay dhaqaalihii ay siin jirtay Midowga Yurub Ciidanka Amisom.
Marka laga soo tago Yugaandha waa Dowladda Labaad ee ay Ciidamada ugu badan ka joogaan gudaha Soomaaliya, kuwaasoo ku howlgala Magaca Midowga Afrika Amisom dagaallana kula jira Ururka Al-Shabaab.