
Madaxweynaha Maamul-goboleedka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aaden ayaa Maanta Magaalada Baydhabo kula kulmay Xildhibaanada Maamulkaasi.
Shariif Xasan Shiikh Aaden ayaa Xidhibaanadaasi kala hadlay xaaladda siyaasadee ee uu Dalku marayo, gaar ahaan tan Maamulkaasi, arrimaha doorashooyinka, ammaanka iyo guud ahaan xaaladaha kala guurka ah.
Shariif Xasan waxaa kaloo uu Xidhibaanada Maamulka Koonfur Galbeed kala hadlay gaar ahaan xaaladda amni, maadamaa ay dhawaanahaanba ay Deegaano ka tirsan Maamulkaasi ay dagaalo kooxda Shabaab ah ay ka jireen, isagoo ugu baaqay in loo istaago ilaalinta xasiloonida Deegaanada hoos yimaada Maamulkaasi.