Madaxweynaha Galmudug iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Cadaado

Madaxweynaha maamul Goboleedka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed,Xeel ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr; Axmed Cali Daahir iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/Guud; Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa Maanta gaaray Magaalada Cadaado ee xarunta ku meel gaarka ah ee Galmudug.

Masuuliyiintan oo Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay iney halkaasi u tageen sidii ay Xafiis uga furan lahayd xeer ilaalinta Qaranka Soomaaliyeed iyo sidii ay Maxaabiista ku xiran Cadaado u heli lahaayeen Garsoor iyo Xabsi ku filan.

Madaxweynaha Galmudug ayaa ka hadlay heshiiskii Nabadeed ee ay isaga iyo dhiggiisa Puntlad ku kala saxiixdeen Dalka Imaaraat-ka Carabta, wuxuuna sheegay in la dhowaan ay billaaban doonaan wada hadallo toos ah, si loo dhammeeyo waxyaabaha dhimman.