
Madaxweyne Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galayay Kulan Su’aalo lagu weydiinayay ayaa waxaa mid ka mid ah Ugaasyada ugu Caansan Dalka Soomaaliya hor dhigay Codsi uu sheegay Ugaasku in uu uga Wakiil yahay Umadda Soomaaliyeed inteeda kale.
Ugaas Maxamed Weli oo Geyiga Soomaaliya si weyn looga wada garanayo ayaa ku yiri Madaxweyne Xasan Sheekh in Afarta Sano ee soo aadan uusan waxba ka qabna Karin dalka una qalmin hoggaanka dalka sidaas Daraadeed ay Shacabka Soomaaliyeed ka dalbanayaan in uu Is Casilo isagoo u sii raaciyay haddii uu tallaabadaas ku dhaqaaqo Madaxweynuhu in Gabar ay siinayaan Shacabweynaha Soomaaliyeed.
Dalabka Ugaaska waxaa si weyn ugu riyaaqay Shacab aad u fara badan oo Madasha fadhiyay kuwaas oo Sacab iyo Mashxarad mar qura isla helay.
Wariyaha Daadihinayay Kulankaasi Su’aal weydiinta oo isku dayay qudhiisa in Ugaaska uu Caburiyo ayaa waxaa Buuq iyo Sawaxan xoogan kala hor yimid Shacabka taas oo muujineysa sida Shacabka meesha joogay ula dhacsanaayeen Aragtida Ugaas Maxamed Weli.
Inta badan Shacabweynaha Soomaaliyeed ayaa wada qiraya in Dalka Isbedel la taaban karo uu u baahan yahay maadaama ay rumeysan yihiin in Hoggaanka haatan talada hayo ee uu Hormuudka u yahay Madaxweyne Xasan Sheekh in dib u dhac ballaaran geliyay dalka Afartii sano ee dalka ay maamuleysay.
Mudada Madaxweyne Xasan Sheekh ku taamayay xilka ayaa la sheegay in dalka ay daashatay Amni darro, Musuqmaasuq, dhaqaalo xumi, Nin jecleysi sida Xubnaha Damu Jadiid ee ka tirsan dowladda Federaaalka oo la sheegay in ay heystaan Awoodo Xad dhaaf ah oo aanu lahayn Masuuliyiinta kale ee dowladda.
Saraakiisha iyo Masuuliyiinta Damu Jadiid oo marka xilalka laga qaado hela xuquuqo aysan helin Masuuliyiinta kale ee dowladda ee xilalka laga xayuubiyo.
Xuquuqahaas oo ay ka mid yihiin Gaadiidka Dowladda , Guryo iyo Gunnooyin taas oo dad badan ay sheegeen in ay qeyb ka tahay Cadaalad darrada dalka ragaadisay.
Shaqsiyaadka Koox Diimeedka Damu Jadiid ka tirsan ayaa Awooda dowladda ku handada xittaa xiliyada aysan Xasaanadda lahayn sida aad ka wada bogateen Caga Jugleyntii maamulka iyo Shaqaalaha Shabelle uu hawada u soo mariyay Taliyihii hore ee Nabad Sugida Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Tuur-Yare.
Inta Madaxweyne Xasan Sheekh uu dalka Hoggaaminayay ayaa waxaa ka dhacay dhibaatooyin Amni kuwii ugu xumaa sida in la weeraray Xarumaha hay’adaha ugu sarreeya dowladda oo ay ka mid yihiin Madaxtooyada, Golaha Shacabka iyo Garsoorka dalka.
Hadaba Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dadka Soomaaliyeed ay wada rumeysan yihiin in kaliya ay wax ka qabatay Danaha Shaqsiyaadka Koox Diimeedka Damu Jadiid ayaa iminka la hadal haayaa in ay qal qaalineyso Banaanbax Qabyaaladeysan oo taageero ay gabaad uga dhigato uga rabto Beelweynta Hawiye oo inta badan degan Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Iyadoo Marmarsiimo laga dhiganayo Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta ayaa ka hiilisay Beesha Hawiye islamarkaana taageero u fidisay Beelaha Daarood.
Waxaa la is weydiinayaa maxaa taageeradaas horay uga Indha tiray dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh horay oo ku soo beegay marka Imaaraatku billaabay dhaq dhaqaaqyada uu uga Hortagayo in hogaanka Soomaaliya ay ku soo laabtaan Koox Diimeedka Damu Jadiid.