Maamulka Jubbaland oo sheegay in ay dhul siiyeen qaxootiga dib u soo labatay

Magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland-Soomaaliya oo qaabishay dad aad u badan oo ahaa qaxootigii laga soo celiyay xeryaha Dhadhaab ee Kenya ayaa waxa uu maamulka dadkaasi siisay dhul.

Duqa magaalada Kismaayo Ibraahin Maxamad Yuusuf oo la hadlay BBC-da qeybteeda Afka-Soomaliga ayaa sheegay in ay u diyaar garoobeen qaabilaadda qaxootiga ka soo noqonaya dalka kenya.

Waxa uu intaasi ku daray duqa magaalada Kismaayo in ay jiraan taakuleen loo fidiyey dadkaasi oo ay ka heleen hay’adaha gar-gaarka e ka howl gala deegasnada Jubbaland.
In ka

..Dadka waxaan siinay dhul, si logu  dhiso guryo ay degaan ayuu yiri duqa degmada Kismaayo Ibraahin Maxamad Yuusuf.

In ka badan 10,000 oo qaxooti Soomaali ah oo ku noolaa xeryaha qaxootiga dalka Kenya ayaa dib ugu soo laabtay deegaanada Jubbaland.

Amniga magaalada Kismaayo ayaa aad loo adkeeyay, ayadoo halkaasi ay ka socoto xullidda xildhibaanada baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.