
Donald Trump musharaxa xisbiga Jamhuriga ee dalka Maraykanka ayaa laga joojiyey isaga oo kudbad ka jeednaya magaalada Reno gobolka Nevada, kadibna waxaa la baxsadey qaar kamid ah Ilaalada gaarka ee Madaxda Maraykanka, arrimo amaan darteed.
Sida uu qorey wargeyska The Guardian mid kamid ah dadkii ku sugnaa goobta uu khudbadda ka jeedinayo gaar ahaan safka hore ayaa ku dhawaaqey “Wuxuu haystaa Baastoolad”, kadib waxaa goobta ka bilowdey argagax, nin ayaa dhulka la dhigey markiiba. Isla daqiiqadihiiba waxaa meesha kore laga dejiyey Donald Trump oo isaga oo aad moodo in uu dhagax ka gabbanayo meel kale la geeyey.
Ninka la qabtey ayaa ahaa nin madax xiiran oo caddaan ah waxaana la xaqiijiyey in aanu wax hub ah wadan, sida laga soo xiganayo CNN.
Cabbar kadib waxaa goobta ku soo noqdey Donald Trump oo jeediyey khudbad yar waxaana uu sii watey Ol-olihiisa doorashada.
Donald Trump ayaa u mahad celiyey Ilaalada gaarka ah iyo dadweynaha, wuxuuna sheegay in aysan macquul ahayn in la hor istaago cid naga adkaan kartaa ma jirto ayuu yiri.
Doorashada Madaxeynaha Maraykanka waxaa ka harsan laba maalmood oo keliya, waxaana uu marayaa meel aad xasaasi u ah, inkasta oo Hillary weli horeyso ayeysan ahayn horeyn lamid ah tii ay haysatey todobaadyo ka hor.
Labada Musharax ayaa hadda qiyaas ahaan aad isugu dhaw doorashada. Donald Trump ayaa doonaya in uu codad ka helo gobolada Dimoqraadigu awooda ku lahaayeen, waxaa la sheegayaa gobolka New Hampshire oo horey Dimoqraadiga looga soo dooran jirey in uu hadda isagu ku horeeyo, waxaana uu ol-olihiisa gaarsiinaya maanta oo Axad ah gobolada Minnesota, Michigan Pennsylvania iyo Virginia oo dhamaantood wada ah gobolo Dimoqraadi ah.