Faah-faahin: Dagaal xoogan oo markale dib uga qarxay gudaha Gaalkacyo iyo dhimasho ilaa 10 qof

Geinkii danbe ee maalinti shalay oo Sabtida ayaa dagaal ka qarxay meel kaga beegan magaalada Gaalkacyo Koonfur Galbeed halkaas oo ahayd meelihii dagaaladii hore ka dhaceen. Wararku waxay sheegayaan in Ciidamada Galmudug ay weerarka soo qadeen isla markaana dagaalka ka fureen aagag kala duwan, sida uu Horseed u sheegay sarkaal ka tirsan ciidanka Puntland.

Subaxnimadii hore isla maanta oo Axad ah ayaa dagaalku ka bilowdey goob kale oo magaalada daafteeda koonfureed iyo Galbeedba ah, oo u dhaxaysa labada Kontrool ee magaalada dhankeeda Koonfureed ku yaala. Ciidamada Puntland ayaa ka dagaalamaya Buundada Koonfureed iyo Xurfadda halka la yiraahdo.

Sarkaal u hadley Puntland ayaa sheegay in dhankooda ilaa hadda ay jirto dhimashada hal askeri, dhanka kalena aysan war u hayn.

Dagaalada Gaalkacyo ayaa horey saameyn ugu yeeshay magaalada sida ganacsiga iyo waxbarashada, waxaana lagu wadey in maanta oo Axad ah Iskooladu dib u furmaan.

Dagaalkan ayaa ah kii labaad ee dhaca tan iyo markii maamulada Galmudug iyo Puntland ay sheegeen in ay heshiis ku kala saxiixdeen magaalada Abu Dhabi ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta. Dadka ka aalooda arrimahan ayaa sheegaya in Galmudug ay dooneyso in ka hor 20 Nofeembar ay xoog ku joojiso dhismaha Maxjarka, oo qabsato galbeedka magaalada, taas oo ay uga danleeyihiin in uu jiro wax ay ku gorgortamaan maadaama dagaaladii ay mudada soo qaadayeen suurtagal ugu noqon weydey in ay horumar ka sameeyaan marka laga yimaado khasaaraha nafeed ee labada dhinacba kala gaarey.

Puntland oo hadda sheegaysa in la soo weeraray lana jebiyey heshiiskii ayaan Madaxdoodu weli ka hadlin.