Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug iyo xeer ilaaliyaha qaranka oo xarun cusub ku dhagax dhigay cadaado – SAWIRO

Xaruntan oo noqondoonta meel ay ku shaqeeyaan maxkamadaha iyo xeer ilaalinta dadka maxkamaduhu xukumaana lagu hayndoono ayaa laga hirgalinayaa galbeedka magaalada Cadaado, waxaana maanta si wada jir ah u dhagax dhigay madaxwayne ku xigeenka dawlad goboleedka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi, Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Bashiir Maxamed Jaamac iyo Xeer ilaaliyaha Qaranka Axmed Cali Daahir.

Gudoomiyaha degmada Cadaado C/llahi C/raxmaan Tootoole ayaa sheegay in maamulka degmadu ku deeqay dhulkan oo ah 1 kiilo mitir  oo isku weer ah.

Xeer ilaaliyaha Qaranka Dr Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in meeshan xabsi kaliya aysan noqon doonin balse xafiisyo xeer ilaalintu leedahay laga hirgalindoono, si ay u noqoto meel adeegyo dhamaystiran leh.

Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac ayaa sheegay in hirgalinta dhismahan ka dib ay noqon doonto meel maxaabiistu cadaalad iyo daryeel ku helaan.

“Xabsiyada Soomaaliya waxaan doonaynayaa inaysan noqon baqaaro dadka lagu ciqaabo, balse meeshan waxaan u diyaarinaynaa in maxaabiistu daryeel iyo waxbarashaba ka helaan oo warshado yar yar ayaa laga hirgalinayaa” ayuu yiri Bashiir Goobbe.

Madaxwayne ku xigeenka dawlad goboleedka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi ayaa sheegay in tani ay tahay waxqabad muuqdo oo iskaashi dhinacyo badan ah ku hirgalay.

caado3 cado1 cado2 cado4 cado6