Howlgallo lagu sugayo amaanka oo ka socda duleedka Baladweyne

Ciidamada dowladda ayaa wada Howlgallo nabadsugid ah oo lagu xaqiijinaayo ammaanka deegaanada duleedka ah ee magaalada Baladweyn oo  xarun u ah gobolka Hiiraan.

Howlgalladaan ay ku dhaqaaqeen ciidamada ayaa wararku sheegayaan in ay ka socdaan deegaanada ku dhow Baladweyn iyo waddooyinka soo gala magaaladaasi.

Howlgalkaan ayaa lagu waramay in ay lala beegsanaayo kooxda Al-shabaab oo la tilmaamay in ay si dhuumaaleysi ah ku yimaadaan deegaanada ku dhow magaalada Baladweyn