
Waxaa maanta oo Axada magaalada jowhar ee xarunta maamulka hirshabeelle la filayaa in ay ka bilaabato dhageysiga khudbadaha xubnaha murashaxiinta u taagan xilka Aqalka Sare ee maamulka Hirshabeele.
Murashaxiinta Aqalka sare ayaa xalay ilaa shalay Baarlamaanka Hirshabeelle la qaadanayay kulamo gooni gooni ah iyagoo haatan ku jira saacadihii ugu danbeeyay ee isku diyaarinta tartanka oo lagu wado in ay ka soo baxaan 8 xubnood .
Maamulka cusub ee Hirshabeelle ayaa ka mid noqonaya maamulo dhowr ah oo soo dhameestiray xubnaha dowladda dhexe u matalaya Aqalka sare