
Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari ayaa maanta tagay magaalada Baydhabo, kadib wafdi uu hogaaminayo oo ka tagay magaalada Muqdisho.
Masuuliyiin ka tirsan maamulka Koofur Galbeed ayaa magaalada Baydhabo gaar ahaan garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay wafdiga gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan.
Ujeedada safarka Jawaari ayaa waxa ugu horeeya inuu la socdo dhaqdhaqaaqa doorashada xubnaha aqalka hoose oo ka dhaceyso magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.
Sidoo kale waxaa ujeedada labaad lagu sheegay iney tahay inuu raadsadaa kursigiisa baarlamaanka, maadaama xildhibaanada aqalka hoose ee beesha uu kasoo jeedo lagu dooranayo magaalada Baydhabo.
Magaalada Baydhabo ayaa waxaa laga dareemaya diyaar garow xoogan oo ku aadan doorashada xubaha Aqalka Hoose ee maamulka Koonfur Galbeed u matalaya baarlamaanka Soomaaliya.